Maxay tahay sababta dawladda Eritrea u mamnuucday duulimaadyada Ethiopian Airlines? - News Summed Up

Maxay tahay sababta dawladda Eritrea u mamnuucday duulimaadyada Ethiopian Airlines?


Maxay tahay sababta dawladda Eritrea u mamnuucday duulimaadyada Ethiopian Airlines? 8 Saacadood ka horSida lagu sheegay warka ay soo saareen maamulka Hay’adda Duulista Rayidka ee Itoobiya, sababta ay mamnuuceen diyaraadda Itoobiya ayay ku sheegeen, in diyaaradda Itoobiya Airlines ‘ay xadgudub abaabulan kula kacday rakaabka Eriteriyaanka ah ee raaca diyaaradooda’. “Xatooyo boorsooyinka ah, waxyeelayn, dib u dhac aad u dheer, xoolo lumin aan magdhaw lahayn, sicirka tikidhada oo si aan la macnayn Karin cirka la gaarsiiyo iyo sharci darrooyin kale oo aynu aragnay,” ayay sheegtay Eritrea in ay ku joojisay duulimaadka diyaaraddaas. BBC du waxay isku dayday in ay xiriir la sameyso diyaaradda Ethiopia Airlines si ay wax uga waydiiso eedaha loo soo jeediyay, balse kuma aanan guuleysan in aan jawaab ka helno diyaaradda. Dawladda Eritrea waxay sheegtay in marar badan ay isku dayeen in ay dhibaatooyinka ay sheegteen xalliyaan iyaga oo xiriir la sameeyay diyaaradda, balse in aysna suuragalin ayay ku sheegeen warka ay soo saareen.


Source: Ethiopian News July 24, 2024 11:53 UTC



Loading...
Loading...
  

Loading...